War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay dowladda Ruushka la waayay kadib markii ay ka kacday garoon ku yaala magaala xeebta ku taalla ee Sochi.
Diyaaradaan ayaa wararku sheegayaan in nooceedu yahay TU-154 ayna siday dad gaaraya 70 ilaa 100 qof.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in diyaaradda la waayay ay leedahay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo ay ku socotay magaalada Ladiqita ee dalka Suuriya.
Ma jirto weli wax war ah oo ay dowladda Ruushku kasoo saaray diyaaraddan oo Raadaarka laga waayay daqiiqado ka dib markii ay ka duushay Garoonka Sochi oo ah meel loo dalxiis tago ee xeebta Badda Madow.
Wakaalado