Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha dalka Masar ee Egyptair ayaa la afduubtay xilli ay ku jirtay duulimaad gudaha dalkaasi ah. Diyaarada ayaa loo warejiyay lagana dejiyay garoonka Lanraka ee jaziirada Qubrus.
Nin Dabley oo xiran yihiin waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu diyaarada khadkeedii ka weeciyay, kuna dejiyay jasiirada Qubrus.
Wadahadal ayaa u socda afduubtaha iyo saraakiisha jaziirada Qubrus. Ninka afduubkiisa geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibrahim Samaha.
Ninka Dableyda ah ayaa oogolaatay inay sii daayaan 56 rakaab ah, waxaana diyaradda oo lagu heysto Lanraka ee jaziirada Qubrus, waxaana diyaaradda weli lagu heystaa weli shaqaalihii diyaaradda iyo shan ruux oo ajnabi ah.
Madaxweynaha Masar ayaa ka mida madaxda dadaalka ugu jirta xalinta arrintan. Weli waxaa diyaaradda lagu heystaa 7 ruux oo shaqaalaha iyo rakaab ajnabi ah oo ku haray.
Wadani.com