Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in dyaarad xamuul ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday garoonka Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, kadib markii ay ka soo duushay Doolow.
Faahfaafinta diyaaradda dhacday ayaa hadda uun soo baxeysa, waxaana lasheegay inay cilad ku timid oo guryo ku dhowaa garoonka ay soo martay kadibna ay garoonka ku dhacday.
Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad xamuul oo ku burburtay Garoonka degmada Garbahaarey