Dowladda Kuwait oo waanwaan ka dhex waday dalalka Khaliijka ayaa shaacisay inuu heshiis dhex maray dalalka Qatar iyo Sacuudiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait Sheikh Ahmed Nasir Al-ahmed Alsabaax ayaa goor dhoweyd shaaciyey in dalalka Sacuudiga iyo Qatar ay isku fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka, laga bilaabo caawa 4-ta Janaayo 2020; kadib sanado go’doon lagu soo rogay dalka Qatar.
Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Aljaabir Alsabaax ayaa xiriir dhinac telefoonka ah la yeeshay Amiirka dowladda Qatar Amiir Tamim Bin Hamid iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyadoo lagu heshiiyay labada dalka ee Qatar iyo Sacuudiga inay isu furaan dhammaan xuduudaha ka dhaxeeya labada dal.
Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa go’doomiyey dalka Qatar bishii June 2017, iyagoo ay ku eedeyay inuu taageero aragagixisada, waxaana weli heshiiskan ka maqan dalalka kale ee Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo shir madaxeedka dalalka Khaliijka ee dalka Sacuudiga lag soo gabagabeyn doono khilaafkii ka dhashay arrinta Qatar.
