Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Shidaalka Soomaalida iyo Khatarta Xaraashka Maanta (Aqoonyahan Qoraal digniin ka qoray..)

    Shidaalka Soomaalida iyo Khatarta Xaraashka Maanta (Aqoonyahan Qoraal digniin ka qoray..)

    January 5, 2021Updated:January 29, 20215 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxa Qoray: Proff. Yahye Sh. Amir

    Maanta Anniga oo xanuunsan ayaa Guriga ka baxay, waxaan mar kale la kulmay wadadii aan Magaalada ku aadi jiray oo xiran, Sabab.waxaa la sugayay in ey yimaadaan Magaalada Saddax Madaxweyne Maamul Gobaleed.

    Waxaa kale oo la sugayay Laba Dayaaradood oo siday Madaxda Shirkado lala saxiixan lahaa Heshiis Shidaal waana yimaadeen. Waxaa la diyaariyay Qolkii wax lagu saxiixi lahaa. Waxaa heshiiska lala saxiixanayay shirkadaha ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas.

    Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweyna waa diideen in ey ka qeybgalaan Heshiiskaa xaraashka Shidaalka. waxaa la filayay in Shirkaddaa yar oo aan aad loo Aqoonsaneyn in uu u saxiixo Mr. Lane Franks oo ah Liberty Petroleum Corporation, Co-Founder , President & CEO. Mr. Lane waxa uu ku shaqey jiray Qalab lagu qodo Ceelasha oo Qoyskiisu ey ku lahaayeen New Mexico, USA isaga oo ahaa 16 Sanno jir iyo walaalkii ka weyn Mr. Trent Faranks oo ahaa 17 jir, kadibna u bedelay Shirkad ka shqeeyso Galbeedka iyo Bartamaha Gobalka Taxes –USA sannadkii 1980kii.

    Kadibna waxa ey u sii bedeleen shirkad Gaaska ka Sahamiso Gobaladda: Oklahoma, Taxes, New Mexico, Utah, Colorado, Kentucky iyo Tennesses.Kadibna waxa ey u sii bedeleen Shirkadan Cusub ee Liberty Sannadkii 1999kii oo markaa kadib Bilaawday in ey ka shaqeyso meela ka baxsan Mareykanka Gaar ahaan Afrika oo ey ka shaqeysteen Lacag dhan $ 1.4 Billion.

    Waxaa la leeyahay Maanta waxaa loo saxiixay Libertina 3 Block Shidaal, in kastoo Dib loo dhigay dhameystirka Heshiiska illaa Berri , sidda la leeyahay Madaxweyne Gobaleedkii Hirshabeele ayaan weli soo gaarin Magaalada.

    Waxaa la sheegay in Shirkadda Liberty ey Bixisay Lacag dhan $ 120 Million oo ey toos ugu shubee Bangiga dhexe ee Somaliya, Taasi waa Borbogaanda saxiixa yaashu ey sameeynayaan si Dadka looga dhigu in Dowladu ey heshay lacag badan oo ey Doorasho ku gasho.

    Laakin waxa Jiro Lacag yar oo Bonus ah oo siyaasiyiinta Somalida la siinayo taa oo ah Halkii Block $2 Million ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay oo ah $ 12 Million oo kaliya oo ey qeybsanayaan Siyaasiyiinta Somalidu. Kuwaa oo ey ka mid yihiin 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah:

    1- Banadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Juba land. iyo 6. Somali land.Waxa kale oo jiro oo Xaraashka door muhim ah ku leh Sinatoor Somaliya oo ka soo Jeedo Gobalka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo isla Gobalka ah.

    Heshiiskaan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaan ku faraxsaneyn Bacdamaa Maamulka hadda iyo kan Mustaqbalka Shidaalkaan oo dhan Howl wadeenada ugu badan ee shirkaduhu kula heshiiyeen in ey sii wadi doonaan dhamaan howlaha Shidaalka ey badankooda qaadatay Galmudug, taa oo Banaanka dhigtay doorkii Mustaqbalkka ee Koofur galbeed iyo Gobalada Qaar .Guud ahaan Heshiiskaasi waa Sharci daro, waqtigaan la joogo ee Doorashooyin iyo Amaan daro ey ka jiraan Dalka, iyo Baarlamaankii ansixin lahaa oo aan Sharci ahaan jirin.

    In kasta oo weli si cad uuna war uga soo bixin Haddana khubarada Bangiga Aduunka qaarkood ayaa qabo in aan la raacin habkii saxda ahaa iyo Procurement Law iwm, waxa ey leeyihiin waxaan hubnaa in ey Saameyn weyn oo xun ku yeela doonto Mashruucii Deyn Cafinta ee la qorsheeynayay.

    Qorshaha Xaraashku waxa uu ahaa in uu bilaawdo Bisha March 2021 waqtigaa oo la filayay in Dalka ey Dowlad cusubi ka jirto, waqtigaanna eyna aheyn waqti ku haboon in la galo heshiiskaa waana taa tan keenaty in Shirkadihii waaweynaa ee Caalamku ey diidaan ka qeyb galka Heshiiskaan.

    Heshiiska waxaa ku dhax jiro Shirkado Turki ah, in kasta oo eyna si weyn uga muuqan, Haddana Shirkadahaa Turkigu waxa ey dhaawici karaan Kalsoonidii Shacabka Somnalidu ku qabay Dowlada Turkiga, Laakin Shirkadaha Turkigu waxa ey qeyb ka yihiin Mashruucxa maaweelada Dadka ee Dhismaha aan la hubin ee Dekadda Hobyo.

    Shirkadahaa Shidaalka waxaa laga rabaa in ey Dowladoohooda ku khasbaan in ey taageeraan Dowladda hadda jirto sidii ey u soo noqon leheyd, taa oo shaki laga qabo. Shirkadda Liberty Masuuliyeenteeda waxaa ka mid ah Labada Nin ee Walaalaha ah: Mr. Lane Franks iyo Mr. Trand Franks. Mr. John McCain. Dhinaca Maamulka waxa madax ka ah, Neale Call, waxaa caawisa Trudy Conner.

    Khubarada kale ee ku howl leh wax aka mid ah: Dr. Alessio Checconi iyo Mr. Scot Fraserar . dhinaca Amnigana Mr. Phil McDonald oo talo ku bixiyay in Ceelasha Berriga aan heshiis lagu galin oo weli ey Jirto khatarta Al-Shabaab ey geysan karaan, laakin in dhinaca Badda marka hore lagu bilaabo bacdamaa ey yaraatay khatartii Burcad Badeeda oo Sannadkii 2011 aheyd 160 dhacdo, laakin Sannadkaan aheyd Hal dhacdo oo kaliya in kasta oo weli ey jiri karto khatarta Burcad badeedu waa sida uu ku talo bixiayay Mr. Phil.

    Fiiri Qodobka 44aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 45aad ee Dastuurka KMG Faqradiisa 2aad, taa oo Dadka ku nool Jamhuurayada Somalida oo dhan waajib uga dhigee ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka.Wixii Noo dhexeeyo iyo Qabiilada aan isku qeybinay hanoo dambeeyaan ee aan ka tashanno hantida caamka ah, Diinta Islaamku ma ogolo in la dayaco Hantida Caamkaa ee Dadka Muslimiinta ah ka dhexeeyso.

    Waxa Qoray: Proff. Yahye Sh. Amir

    Anniga oo og Khatarta uu yeelan karo Qoraalkaan in aan qoro, Haddana ma jirto, Hayad ama cid kale oo iga Codsatay ama aan ku xumeeynayo Qoraalkaan, kumana taageerayo Mucaaradka aan ogahay in qaarkood ey sidaan sameey lahaayeen haddii ey fursadaan khaladkaa heli lahaayeen. Waa Cilmi Baaris madax banaan. Intaa ayaana kuugu soo koobay Qoraalka Maanta 4/1/2021, aan Diyaariyay oo aad dheeraa.

    Liberty Shidaal Qodis Soma Oil & Gas Xaraash Shidaalka Yahye Amir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dowladaha Sacuudiga iyo Qatar oo ku dhawaaqay inay isu fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka
    Next Article Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo si isku mida usoo dhoweeyay Heshiiska Sacuudiga iyo Qatar

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo