Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabadii ugu weyneyd ee ay kula xisaabtameyso Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxay weydiisatay Qaramada Midoobay in la bedelo madaxa hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ku xadgudbay shaqadiisa, kuna kacay fal ka baxsan xirfadiisa shaqo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay inay xilka ka qaado Madaxa FAO ee Soomaaliya Richard Trenchard muddo saddex maalmood ah looga wareejiyo xilka uu Soomaaliya uga hayo hay’addaha FAO. Dowladda ayaa intaas ku daray in hab dhaqan Richard Trenchard aanay aqbali karin dowladda Federaalka.
Waa tallaabadii ugu horeysay ee dowlad Soomaaliyeed ka qaadato xubin ka tirsan madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka howlgala, kuwaasoo hore u noqday hoggaamiye kooxeedyo ka amar weyn dowladda.
Wadani