War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax qabsaday Gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamullada Hirshabelle iyo K/Galbeed.
Qaraxan oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari ay saarnaayeen loogu xiray xildhibaannada iyo in Miino la qaraxay, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen xildhibaan Axmed Cabdi Faarax (Kabaweyne) oo ka tirsan Hirshabeelle iyo xildhibaan magaciisa lagu soo koobay Baraf oo sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha Amniga maamulka K/Galbeed kale oo waxyeelo soo gaartay oo ka tirsan xildhibaannada Hirshabeelle.
Xildhibaannadan ayaa qaraxu ku qabsaday duleedka garoonka Balidoogle ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana qaraxu qabsaday gaarigii ay wateen xilli ay u socdeen magaalada Muqdisho.
FAAHFAAHIN: Xildhibaanno ka kala tirsan Maamullada K/Galbeed iyo Hirshabeelle oo ku dhintay Qarax