Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Gaari ku qarxay agagaarka Isbitaal Digfeer ee degmada Hodon, Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa qabsaday Gaari la sheegay in lagu xiray waxyaabaha qarxa oo halkaasi marayey, waxaana jugtiisa laga maqlay degaano badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu jiro qasaare.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Qaraxa Gaariga lagu xiray uu watay Nabadoon Muxudiin Bagaase oo ka badbaaday, kaasoo la rabay in la khaarijiyo.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta Gaariga ku qarxay, waxaana la xiray goobtaasi, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka.
Nabadoon ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)