Gaari miineysan oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho, iyadoo kala carar ka dhacay goobta gaariga ku sugnaa oo ah goob dadku ku badan yihiin oo bartamaha Muqdisho ku taalla.
Gaarigan ayaa la dhigay Baarka Blue Sky hortiisa, agagaarka Xarunta nabadsugidda ee Godka Jilacow. Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadooyinka gala goobtaasi, iyadoo loo diiday dadka iyo gawaarida.
Ciidamada nabadsugidda iyo kuwa Booliska ayaa gaaray Goobta waxaana hadda lagu jiraa howl adag oo ah sidii loo kala furi lahaa qaraxa…
Faahfaahinta la soco