Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay in loo diyaariyay in lagu qarxiyo mid ka mida Hoteelada Muqdisho ayaa gacanta lagu dhigay.
Gaarigan oo ahaa nooca SPACIO ee ayaa lagu qabtay, xaafada Banaadir gaar ahaan albaabka Hotelka Hotelka Royal ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla, degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Afhayeenka C/faraax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaariga ay saarnaayeen laba qori AK 47 ah, waxyaabo qarxa oo kiimiko ah, wuxuuna intaasi ku daray in ujeedku ahaa in lagu qarxiyo hotelka.
Gaariga ayaa lagu wareejiyay hay’adda Nabadsugidda ee NISA, iyadoo aan la sheegin cid loo qabtay oo la socotay gaarigaasi. Afhayeenka ayaa ku eedeeyay inay qaraxyadaasi soo abaabuleen kooxda Alshabaab.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo sheegay inay gacanta ku dhigeen laba nin oo gaariga la qabtay waday, halka afhayeenka Gobolka aanu sheegin cid loo qabtay.
Dhowaanahan waxaa ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigayeen gawaari qaraxyo fulin rabay, iyadoo inta badan aan la helin raggii howshaasi ku dhex jiray.
Wadani.com