Waxaa goor dhoweyd qarax lala eegtay ku geeriyooday Jeneraal ka tirsan ciidamada Dowladd Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa is-miidaam waxaa lala beegsaday Gaari uu la socday Gen. Maxamed Jimcaale Rooble (Gen. Goobaale).
Jeneraalka ahaa ahaa taliyaha guutada saddexaad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo fadhigoodu ahaa gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaariga jeneraalka oo marayay inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada Guulwadeyaasha.
Qaraxa oo ahaa mid xoog leh, isla markaana si weyn loo qorsheeyay ayaa waxaa sidoo kale dhintay 7 ka mida Ciidankii ilaalada u ahaa Generaal Gooobaanle.
Wadani.com