Wararka laga helayo xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu dhawaaqayo Golaha wasirada cusub.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu soo dhameystiray la-tashiyadii wasiirada ka mid noqonaya xukuumadii ugu horeysay ee uu soo dhiso ayna diyaar u yihiin in lagu dhawaaqo.
La-tashiyadii ugu danbeeyay ayaa galabta ka socda xarunta Madaxtooyda iyadoo loo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulan ka la leh madaxweynaha iyo wasiirka koowaad.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Golaha wasiirada cusub lagu dhawaaqayo caawa ama beri, laakiin arrimo farsamo ay dhici karaan in dib loogu dhigo.
Wadani.com