Shir degdeg ah oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa looga dooday xaaladda ka dhalatay dilkii Wasiirkii Howlaha guud Cabbaas C/llaahi Siraaji.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray xil ka qaadis lagu sameeyay Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisa ay geysteen dilkii Wasiir Siraaji.
Hanti dhowraha ayaa lagu helay in ilaaladiisu ay dil bareer ah u geysatay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxayna xubnaha Golaha wasiirada isku raaceen inuu mas’uuliyadda dhinac ka qaadayo, sidaas darteedna xilkii looga qaaday.
Xilka hanti dhowrka Guud waxaa si kumeelgaar ah loogu magacaabay ku xigeenka hanti dhowrka, waxaana la filayaa in Nuur Faarax uu ka mid noqdo baaritaanka kiiska dilka Cabbaas Siraaje oo wax laga weydiin doono.
Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay geerida wasiirkii howlaha guud, waxaana xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowrka ay bilow u tahay maxkamadeynta laba ka mida ilaaladiisa oo hadda u xiran kiiskan.
GOOBJOOGE.COM
AKHRISO: Shanta Qodob ee xilka looga xayuubiyay Hanti-dhowrka & Xasaanadii oo laga qaaday