Waxaa hadda xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho ka socdaa kulan looga hadlayo miisaaniyadda 2019, iyadoo furitaanka kulanka oo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh khudbad ka jeediyay.
Khudbadda guddoomiyaha kadib ayaa loo yeeray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Siraaji, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay ansixiyaan Miisaaniyadda, isagoo yiri: “Waxaan codsanaynaa in la meel mariyo Miisaaniyadda Dalka ee 2019-ka. Waxaa dhamaanaya waqtiga balse koror fiican ayaa ka muuqda..”
Waxaa Warbixinta Miisaaniyadda 2019-ka ka hadlay si dul mar ah Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo shegay inuu dul marayo, iyadoo aanu jirin waqti lagu wada akhriyo, wuxuuna intaas ku daray: “Miisaaniyadda waxaana ka muuqda korar aan sidaa u badnayn. Marka laga soo gudbo dhaqaalaha laga uruuriyo canshuuraadka, kaalmadda lagu tashan karo ee tooska ah waa kaalmadda laga keeno Dalka Turkiga. Marka, aan asixino Miisaaniyadda..”.
Xildhibaannada taageersan xukuumadda ayaa dalbaday in la ansixiyo Miisaaniyadda iyagoo ku dooday inuusan waqti harin. Waxaa weli socda xildhibaanada ka hadlaya Miisaaniyadda oo qaarkood ay dalbanayaan in faahdaahin laga bixiyo qodobbo ka mida Miisaaniyadda.
Wasiirka maaliyadda oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulanka Baarlamaanka ee miisaaniyadda 2019 ka sheegay inay qiyaasayaan waxa dhaqaalaha ay hayaan iyo waxa laga rabo, wuxuuna yiri. “Waxaan ku faraxsanahay inaad u doodaysaan ciidanka xaqiisa, laakiin waxa ay bil kasta helaan lacagtooda 100-ka ah, waxaana idiin sheegayaa in aanan kala saarin oo aan lacagta u siino si dhamastiran. Qaabka Dhaqaalaha Dowladdaha Gobaleedyadda waa mashaariic ee maahan dhaqaale kale, waxa ayna ku xiran tahay awoodda iyo sida ay u kala baaxad wayn yihiin”.
Waa markii ugu horeysay ee miisaaniyad aan laga doodin, maalin qura uu codsado Guddigii ugu xilsaarnaa Baarlamaanka in la ansixiyo isla maalintaasi.