Guddi Aqalka sare u saaray xal u helista khilaafka ka dhashay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey inay burburtay waanwaantii ay ka dhex wadeen guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Aqalka Sare u saaray arrintan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa caawa kulamo is daba joog ah oo ka badan saddex jeer la yeeshay guddoomiye ku xigeenada kala taagan ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo dhinac ah iyo Mahad Cabdalla Cawad oo dhinaca guddoomiye Jawaari kasoo jeeda, iyagoo dadaal u galay in xal loo helo is mari waaga ka taagan Mooshinka.
Labada Qodob ee la isku hayey ayaa ahaa xilliga Mooshinka Jawaari la gelayo iyo sidii ciidamada xukuumaddu dhigtay xarunta Baarlamaanka looga qaadi lahaa, looguna wareejin lahaa ciidamada AMISOM.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in dhinaca C/weli Muudey ay diideen waanwaantii ay wadeen Guddiga Aqalka Sare, taasoo keenay in Guddiga ku dhawaaqo in waanwaantii uu waday ay ka socon weyday qeyb ka mida labada qeybood ee Baarlamaanka Federaalka.