Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inGudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin uu geeriyooday.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa dhaawac aad u culus uu kasoo garay qarax is-miidaamin ah oo uu qof isku soo xiray jaakad qaraxda ku qaaday xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla magaalada Kismaayo, waxaana dhaawaciisa oo ahaa mid liita loola cararray isbitaalka magaalada Kismaayo.
Wararka hadda oo dhacay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin uu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyadoo dhaqaatiirta caafimaadka ay xaaladiisa waxba ka qaban waayeen.
Waxaa kaloo qarax ku dhintay qofkii is-miidaamiyaha ahaa iyo qof shacab ah, halka 6 qof oo u badan ilaaladii Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ay ku dhaawacmeen.
Alshabaab ayaa sheegatay Qaraxa inay ka danbeysay, isla markaana ay la beegsatay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
