Ilhan Cumar oo ah haweeney asalkeedu yahay Soomaali ayaa mar kale ku guuleystay kursiga Koongareeska Mareykanka ee laga soo doorto Gobolka Minnesota, kadib markii ay ka adkaatay musharixii la tartamayey.
Ilhan oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka guuleysatay ninkii sida weyn loo maalgeliyey ololaha Doorashada ee Xisbiga Jamhuuriga Lacy Johnson, doorashadii ka dhacday Degmada shanaad ee Gobolka Minnesota.
Sida ay saadaalisay warbaahinta Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Koongareeska ee degmada shanaad ee Minnesota.
Iyadoo la tiriyey 90% codadka la dhiibtay ayay Ilhan Cumar heshay 65% codad ku dhow, halka musharaxa la tartamaya ee Lacy Johnson uu helay codad gaaraya 26%.
Madaxweyne Trump iyo xisbiga Jamhuuriya ayaa si weyn uga horjeeday dib. doorashada Ilhaan Cumar, waxaana aflagaado joogto ah ku hayey Madaxweyne Trump, balse mar kale ayey dib u soo laabtay, weliba codad aad u badan.