In ku dhow 100 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay qoraal digniin ah ku socda Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. Qoraalkan oo sidoo kale la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la siinayaa wakiilada Beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa looga digayaa in xukuumadda cusub lagu soo daro shaqsiyaad ay tilmaameen oo caqabad ku ah sida ay sheegeen dowladnimada Soomaaliya, waxaana cinwaan looga dhigay: “KA HORTAG KHALKHAL SIYAASADEED OO HOR LEH”.
Xildhibaanadan oo ku midoobay Isbaheysi ka horjeeda siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa kuwii hore u taageeray Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed; kadibna waxay sameysteen Gole la magac baxay “Golaha Badbaadada Qaranka”. Kulamo si ka;a gaara ay ula yeesheem madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay u caddaatay inay damacsan yihiin inay dhisaan xukuumad ay ku jiraan saaxiibadii madaxweyne Xasan Sheekh ee khilafka dowladda iyo xukuumadihii hore salka u ahaa.
Xubnahaas oo magacyadooda iyo xilalkooda kala yihiin:
1. C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe –Wasiirka Amniga
2. C/kariin Xuseen Guuleed -Wasiirka Arimaha Gudaha
3. Faarax Sheekh C/qaadir -Wasiirk Garsoorka
4. Xuseen Cabdi Xalane -Wasiirka Maaliyadda
Hoos ka akhri qoraalka xildhibaanada ay soo saareen galabta 10 Janayo 2014
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]