In ku dhow 100 xildhibaan oo caawa ku shiray xarunta Villa Hargeysa ayaa shaaciyey inuu burburay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannada ayaa sheegay inay gaarayaan 120 xilhibaan, isla markaana mooshinkaasi uu dhammaaday waqtigiisii sharciga ahaa ee jiritaanka mooshinka sida xeer hoosaadka Baarlamaanka caddeynayo, waxayna baaq u direen Guddoomiye Jawaari inuu shaqadiisii caadiga ahayd ee guddoomiyenimo sii wato laga bilaabo Khamiiista Berri.
Xildhibaannadan ayaa go’aanka ay soo saareen kadib soo bandhigay heeso wadani ah iyagoo dhoolatus ku sameeyay xarunta guddoonka baarlamaanka ee Villa Hargeysa.
War qoraal ah oo hadda uun soo baxay ayaa lagu caddeeyay in Mooshinkii Guddoomiye Jawaari uu burburay, isla markaana waxay dalbadeen in ciidamada laga dulqaado xarunta Baarlamaanka, iyagoo sheegay in xukuumadda ay qaadeyso mas’uuliyadda wixii ka dhasha mooshinka ay wadeen.
Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u muuqata inay sii kala qeybisay xildhibaannada iyadoo la galay mugdi siyaasadeed iyo khilaaf sharci ah oo fasiraad kala duwan leh.