Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darroku tilmaamay go’aankii Gudoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey uu shaqada kaga joojiyay Xogeyaha Guud ee Baarlamanka Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux.
Guddoomiye Jawari oo qoraal soo saaray goor dhoweyd, ayuu sheegay in go’aankaasi aanu heysan wax sharciyad ah, isla markaaana guddoomiye ku xigeenka koowaad awood u lahayn inuu shaqo ka fariisin ku sameeyo xoghayaha guud ee Golaha Baarlamaanka
Hoos ka akhriso Qoraalka Gudoomiye Jawaari
\