War hadda soo dhacay ayaa sheegay in koox dabley ah ay weerar ku qaadeen laba hotel oo ku yaala dalka Ivory Coast ee Galbeedka Afrika, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda dalkaasi.
Ciidamada ammaanka dalka Ivory Coast ayaa la sheegay inay ka jawaabeen weerarada mar qura lagu qaaday hoteelada oo ku yaala degaanka Grand-Bassam oo 25 KM u jirta caasimadda Abidjan.
Qasaaraha weerarkaasi ayaa dowladda dalkaasi ay sheegta inuu yahay 11 qof iyadoo aan faahfaahin laga bixin xaalada iyo waxa ku dhacay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka lagu dilay weerarka ay gaarayaan 12, iyadoo dadka la dilay qaarkood oo lagu sheegay 4 qof ay yihiin kuwo u dhashay Yurub.
Dableyda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay afka u duubnaa oo ay rasaas ooda uga qaadeen dadkii ku sugnaa xeebta hoteelada.
Ma jiro weli cid sheegtay weerarkaasi, waxaana loo maleynayaa inay ka danbeeyaan kooxaha argagixisada.
Wadani.com