War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kulan looga hadlayo is-mari waaga ka taagan mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed uu ka socdo xarunta madaxtooyada. Kulanka ayaa dhex maraya madaxweynaha iyo guddi ka socda xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ee taageersan Ra’iisal wasaaraha.
Kulankan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa yimid kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh farriin u soo dirsaday xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha oo iyaguna aqbalay iany is arkaan madaxwynaha, iyadoo ay kooxda diidan mooshinka shirka madaxweynaha u dirsadeen 71 xildhibaan oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulod (Dhegdheer).
Madaxweynaha ayaa u muuqda inuu si rasmi ah u aqoonsaday qeybta xildhibaanada ka soo horjeeda oo uu la furay waanwaan, inkastoo la hubo inuusan joogin meel uu kaga tanaasulo ololaha weyn ee uu ku doonayo in xilka looga xayuubiyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Goobjooge.com
Muqdisho