Kulan shalay galabnimadii ilaa xalay dhex maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh, kana horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inaysan wax natiijo ah oo weyni kasoo bixin, inkastoo madaxweynaha uu sheegay inuu waanwaan diyaar u yahay si xaalada taagan nabad loogu dhameeyo.
Xildhibaanad taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday madaxweynaha inuu joojiyo mooshinka uu gadaal ka wado ee dhibaatada oo dhan abuuray, wuxuuse ka gaabsaday madaxweynaha inuu arrintaasi ogolaado ama diido, isagoo arrinta u wareejiyay inay ka wadahadlaan guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada dhinac ee iska horjeeda.
Dood dheer kadib oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) ayaa ku soo dhamaaday iyadoo aan waxba lagu heshiin, marka laga reebo madaxweynaha uu ka codsaday dhinaca ka soo horjeeda inay xasiloonida baarlamaanka dhowraan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]