Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ahaantiisa looga hadlayo warbixin ay soo diyaariyeen Guddi loo saaray arrinta dhiibista Sarkaalkii ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Warbixinta Guddiga oo qoraal ah ayaa loo qeybiyay xildhibaannada Golaha Sahcabka, waxaana hadda xildhibaannada dhageysanayaan Guddoomiyaha Guddiga oo ah wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.