Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen agagaarka xarunta Villa Somalia.
Dadka ku nool xaafadaha ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex Hoobiye ayaa ku dhacay guryo ku dhow madaxtooyada, waxaana la sheegay in intooda badan aysan sameyn qarax firir ah marka laga reebo inay burbur u geysteen dhismooyinka.
Qaraxyada madaafiicda ayaa laga maqlay magaalada, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah oo ay geysteen, waxayna intooda badan ku dhaceen agagaarka xerada Caga-dhiig iyo Dugsiga 15-ka Mey ee u dhow Madaxtooyada.
Weerarrada hoobiyeyaasha ah ee lala beegsado Madaxtooyada ayaa waxaa sheegta kooxda Alshabaab, iyadoo inta badan ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka ah.