Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen qaar ka mida xarumah dowladda ee magaalada.
Madaafiicdan oo lagu sheegay Hoobiyeyaal ayaa qaar kamida ku habsadeen xarunta wasaaradda Gaadiidka ee degmada Shabngaani iyo agagaarka xaruntaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ahaayeen ilaa 5 madfac, oo qaraxyo waaweyn geystay, waxayna madaafiicdu haleeleen goob gaadiidka la dhigto oo ka mida dhismaha Wasaaradda Gaadiidka ee magaalada Muqdisho
Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen madaafiicda hoobiyeyaasha ah, waxaana ku bas beelay gaadiid yaallay xarunta Wasaaradda Gaadiidka, waxaa goobta tegay ciidamada dowladda oo xiray halkaasi.
Alshabaab ayaa lagu eedeeyay weerarada madaafiicda ah ee lagu qaado xarumaha dowladda, waxaana muuqata in weeraradii kala duwanaa ay mar kale dib u soo cusbooneysiisay kooxda Alshabaab.
Wadani.com