War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.
Go’aanka uu C/kariin Xuseen Guuleed ku qaatay inuu xilka iska casilo ayaa ahaa lama filaan kadib muran hareeyay baarlamaanka maamulkiisa oo hore xilka uga qaaday, isagoo diiday xilka qaadistaasi oo aan loo marin qaab dastuuri ahaa.
C/kariin Guuleed ayaa la soo weriyey in xaaladiisa caafimaad aysan fiicneyn isagoo aan ka qeybgelin caleemasaarkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya arrintaas darteed, wuxuuna dalka India u aaday arrimo caafimaad.
C/Kariin Guuleed aya Galmudug Madaxweyne ka noqday 4 july 2015k, waxaana uu ka guuleystay Axmed Macallin Fiqi.
GOOBJOOGE.COM