Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa heshiis ku gaaray inay dib u soo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed, kadib wadahadal goor dhoweyd ku dhex maray labada madaxweyne magaalada Nairobi.
Madaxtooyada Somalia ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya, iyadoo dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed.
Ajandaha wadahadalladan ayaa la sheegay inuu ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal, waxayna ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn.
Wadahadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni, waxaan warka Madaxtooyada Somalia loogu mahadceliyey Ra’iisal wasaaraha Kenya oo labada dal dhexdhexaadiyey.
Safiirada labada dal ayaa ku kala laabanaya Nairobi iyo Muqdisho, waxayna madaxtooyada Soomaaliya olole weyn u gashay inay beenin hordhac ah kasoo saarto wadahadal laga gelayo arrintan Badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda ICJ.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Kenya ee martida loo ahaa, iyadoo weli la sugayo warka kasoo yeeri doona.