Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu go’aan ka qaadan doono arrinta Heshiiska Niyulkiyeerka ee dalka Iiraan.
Farriin uu soo bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay inuu go’aankiisa ku saabsan heshiiska Iiraan ee Niyukliyeerka uu kaga dhawaaqi doono go’aankiisa Tallaadada Maqribnimada, kaasoo ah go’aan si weyn loo wada sugayo oo laga cabsi qabo inuu ka baxo heshiiskaasi.
Dadaallo ay wadeen dalalka reer Yurub si loo qanciyo inuusan Trump ka bixin heshiiskaasi ayaa soo idlaaday, waxaana laga warsugayaa waxa uu noqon doono Go’aanka Trump oo xaaladda Bariga Dhexe wax weyn ka bedeli doona.