Wararka laga helayo dalka Chad ayaa sheegaya in a dilay madaxweynihii dalkaasi oo dhowaan doorasho muran ka taagan yahay la sheegay inuu ku guuleystay.
Madaxweyne Idiris Deby ayaa la sheegay inuu ku dhintay aagagga dagaalka, waxaana sidaasi shaaciyey Telefishanka dalkaasi oo ay ka hadleen ciidamada dalka Chad ee Bartama Afrika, wuxuuna ka ahaa dagaalka kooxaha hubeysan ku qaadeen dowladiisa.
Idiris Deby ayaa hoggaaminayey cutub ka mida ciidamada dalkaasi ee dagaalka kula jira kooxaha hubeysan, wuxuuna u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka Sabtidii.
Madaxweynaha Chad Idriss Deby ayaa dalkiisi soo xukumayey muddo 31 sano ah, wuxuuna ahaa madaxda uu xilliga dheer Afrika.
Maanta uun ayaa la shaaciyey inuu markii 6-aad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacay 11-kii bishan April ee muranka badan hareeyay. Doorashada
