War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Mindi (Toorey) oo ka dhacay magaalada Tokyo
ee dalka Japan lagu dilay ilaa 19 ruux, isla markaana lagu dhaawacay 45 kale, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Japan.
Weerarka ayaa ka dhacay goob caafimaad oo dadka lagu xanaaneeyo oo ku dhow magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Ninka weerarka geystay ayaa la qabtay marka uu qasaaraha intaas la eg ka geystay xarunta caafimaad oo qaabilsaneyd dadka cuuryaanka ah ee ku taala Sagamihara oo u dhow Tokyo.
20 ka mida dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay xaaladoodu liidato, sida laga soo xigtay qeybta gurmada degdega ah.
Ninka falkan geystay oo mindi kala daalay dadkii goobtaasi ku jiray ayaa da’diisa lagu sheegay 26 sano jir, waxaana markii danbe qabtay Booliska.
Faahfaahin kale la soco…
Wadani.com