Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in lala beegsaday mas’uuliyiin.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in lala beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqsiid Axmed C/llaahi Cariif iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo ku socdaalayey gaadiid ay wateen oo Miinada lagu qarxiyey.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo saraakiisha la socotay ayaa la sheegay inay ku socdeen tacsida aabaha dhalay Taliyaha saldhiga Booliska Yaaqshiid xilliga qaraxa lala beegsaday .
Weli ma cadda qasaaraha qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka la dhigo iyadoo lasoo dhaagay dhaawacyo, waana qaraxii labaad ee noociis ah oo saacado gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho.
Saaka ayey ahayd markii Qarax Miino oo ka dhacay agaagarka KM 4 lagu beegsaday taliye ku xigeenka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin.