Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh ka dhacay xaafadda Kaawo-godey ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo dhacay xilligii Duhurnimada ayaa la soo weriyay inuu ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin oo ah suuq Qaadka lagu iibiyo, waxaana laga cabsi qabaa inuu geystay qasaare xoog leh, iyadoo ay halkaasi gaareen gadiidka gurmadka.
Jugta Qaraxa ayaa laga maqlay meelo badan ayaa ka dhacay isgoyska Kaawo Godey oo ah goob suuq ah oo Qaadkana lagu iibiyo, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay halkaasi gaareen ciidamada amniga.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari nooca Spacio ah oo goobtaasi la dhigay, waxaana hadda socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay.
FAAHFAAHIN: Darawalkii waday Gaari ku qarxay magaalada Muqdisho oo la qabtay