Qarax is miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha ayaa goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Gaariga Qaraxa sida ayaa la sheegay inuu ku qarxay bar ay ciidamada ku leeyihiin Siinka dheer, markii ay ciidamada isku dayeen inay joojiyaan gaariga si loo hubiyo. Markii baaritaanka lagu bilaabay ayaa la sheegay inuu qarxay
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay laba qof iyadoo lix kale kale ay ku dhaawacmeen.
NISA ayaa sheegtay inay fashiliyeen gaari nooca Mark II ah oo qarax laga soo buuxiyay, siinka dheer ee magaalada Muqdisho.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inuu ka danbeeyay qaraxa, isla markaana uu beegsaday ciidamada Gaashaan ee ay tababareen Mareykanka. waxayna sheegeen ina dileen 9 askari iyo tababarrayaal Mareykan ah.
Wadani.com