War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah oo xoog leh uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa is-miidaamin, wuxuuna ka dhacay xaafada Howlwadaag ee Magalada Baladweyne.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in gaari weyn oo nooca xamuulka ah lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray saldhiga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin xaafada Howlwadaag ee magalada Beledweyne.
Faahfaahinta Qaraxa ayaa hadda uun soo baxaysa, iyadoo la soo sheegay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Faahfaahinta la soco…