Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, Puntland ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay halkaasi.
Qaraxa ayaa laga maqlay magaalada, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu ka dhashay qof is-miidaamiye ahaa oo lala beegsaday goob ciidan oo lagu baarayay gaadiidka.
Ciidmada Booliska ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 4 qof oo uu ku jiro ninkii is-miidaamiyay iyo askari, waxaana kaloo ku dhaawacmay in ka badan 7 qof.
Askariga dhintay ayaa la sheegay inuu baarayay gaadiidka, isagoo uu si toos ah u abaaray qofka is-miidaamiyaha ah, waxayna goobta qaraxa dhacay ay ku taallaa bartamaha magaalada.
Wadani.com