Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya iyo qaraxyo dhowr ah ay caawa ka dhaceen magaaladaasi.
Qaraxyada ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhigga magaalada iyo xarunta degmada Kismaayo, halka xaafadda Guulwade ay ka dhaceen qaraxyo. Ilaa 4 qaraxa la soo weriyay inay ka dhaceen magaalada.
Lama xaqiijin nooca qaraxyada dhacay waxay ay ahaayeen, waxaana dhammaan istaagay isu socodkii magaalada iyadoo ciidamo fara badan la geeyay wadooyinka.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubba iyo kan magaalada Kismaayo oo ka hadlaya sida ay wax u dhaceen.
Wadani.com