Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay goor dhoweyd Hotelka Central ee magaalada Muqdisho iyadoo rasaas culus la isku weydaarsaday hotelka oo caadiyan siyaasiyiin iyo waxgaradka fadhi u ahaa, wuxuuna hotelka ku dhow yahay madaxtooyada Villa Somalia.
[ad name=”HTML-4″]
Rasaasta iyo qaraxa ka horeeyay ayaa la sheegay inuu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, xaaladuna waxay noqotay mid cakiran iyadoo wadooyinka ciidamo fara badan ku sugnaayeen, isla markaana ciidamadu baarayeen baabuurta iyo dadka wata ayaan la ogeyn sida ay u suuragashay in hotelkani la weeraro.
Warar is qilaafsan oo kasoo baxaya halka qaraxyadaan ay ka dhaceen iyadoo ay hotelka Centrale uu ku dhow yahay hotelka kale ee Naasahablood. Dad ku sugnaa gudaha Hotelka Naasahablood 2 ayaa u sheegay Wadani.com in qraxyadu saameyn ku yeesheen labada hotelba ayaa sheegaya inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamida mas’uuliyiin dowladda Federaalka. Waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah.
Wararki ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tiro badan ay ku dhinteen qaraxyadaasi ay ku dhinteen mas’uuliyiin fara badan qaar kalena dhaawac ka soo gaaray dadka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay guddoomiye kuxigeenkii gobolka Banaadir Caanageel.
Faah faahinta Qaraxyadaan ayaa iska soo daba dhacaya… iyadoo xarakada Alshabaab ay sheegtay inay iyadu ka danbeysay qaraxaasi lamaanaha ahaa…
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]