Waxaa goor dhoweyd  qarax lala beegsaday Baar yar oo ku yaala ka soo horjeedka Hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho laguna magacaabo BANOODA. Qaraxan ayaa loo adeegsaday  baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyadoo xilligaasi ay dad badan ku jireen Baarkaasi, waxayna ahayd xilli dadku salaadda Duhur ka soo laabteen oo isu diyaarinayeen inay qadeeyaan.
[ad name=”HTML-2″]
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in baabuurka qaraxa laga soo buuxiyay la soo dhigay afka hore ee Albaabka Baarka, waxaana la sheegay in ilaa afar ruux ay ku dhinteen in ka badan 7 kalena dhaawac ka soo gaaray. Ciidamo badan ayaa xiray aagga qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaan.
Hotel Central ayaa 20-kii February  ayaa qarax ismiidaamin ah oo laba jeer dhacay  lagu weeraray Hotel Central oo ka soo horjeedda maqaayadda, iyadoo qaraxyadaasi ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof  oo ay ka mid ahayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]