Wararka laga helayo magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya oo maalmahan ku sugnaa dalka Itoobiya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay goor dhow ka degeen magaalada Asmara.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida ay shaaciyey wakaaladda wararka Fana.
Saddexda hoggaamiye ayaa kulan ku yeelan doona magaalada Asmara, iyadoo lagu wado inay heshiisyo iskaashi ah sameystaan.
Kenya ayaa hore shaki weyn uga muujisay isbaheysi saddex geesood ah oo ay yeesheen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana hadda muuqda in Kenya ay olole weyn qaaday.