Madaxweynihii waqtigiisu dhammaadka ahaa ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhoweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulkaasi.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale caddeeyay inuu ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kadib markii uu cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan, waxaana arrintan uu goor dhoweyd uga dhawaaqay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba.
Saacadihii ugu danbeeyay ayaa la hadal hayey inuu is casilayo Shariif Xasan, kana tanaasulayo tartanka doorashada Madaxweyaha, iyadoo xilka madaxweynaha uu si KMG ah u sii heyn doono guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii kulan muddo qaatay uu magaalada Baydhaba kula yeeshay wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo wararka qaar sheegayaan inuu jiray isafgrad hoose.
Lama oga inuu Shariif Xasan siyaasadda ka fariisan doono iyo inkale, laakiin tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee Shariif Xasan looga guuleysto dagaal siyaasadeed oo uu galo tan iyo intii uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 2004 oo si lama filaan ah loogu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ahaa ee Soomaaliya.
Shariif wuxuu dagaal siyaasadeed la galay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo kal jebiyey Baarlamaankii lagu soo dhisay Soodare, wuxuu kaloo ka mid noqday dowladii Midnimo Qaran ee madaxweyne Sheekh Shariif, laakiin waxay ku kala tageen khilaaf keenay heshiiskii Kampala oo uu xilka looga qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo sanadkii 2011.