Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in shirkii labaad uu goor dhoweyd ka dhacay Garoonka magaalada Gaalkacyo.
Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug waxaa ku wehliya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana lagu magacaabay Guddi ka kooban 18 xubnood.
Guddiga ayaa isugu jira Wasiiro, Saraakiil iyo Odayaal, waxaana ay ka shaqayn doonaan dajinta xiisada Gaalkacyo iyo kala qaadista ciidamada is hor fadhiya.
Guddigan ayaa ka kalasocda laba maamul ee Galmudug iyo Puntland oo min 9 soo magacaabay, waxayna howshoodu tahay inay ilaalinta xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada.
Guddiga ayaa shirkoodii ugu horeeyay ku leh garoonka magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa inay ka heshiiyaan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Wadani.com