Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey bixinta Warqadda Denbi la’aanta ee dadku ka qaadan jireen xarunta CID-da muddo 15 maalmood ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dowladda Soomaalya ay joojisay kulamada iyo isu imaatinka waaweyn si looga hortago faafista cudurka Coronavirus, waxaana taliska Booliska uu sheegay in xarunta CID-da ay maalin waliba tegi jireen dad ka badan 300 qof.
“WARGELIN: Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhdu tahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho..” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Zakiya Xuseen oo wargelinan soo saartay.
Warqadaha denbi la’aanta ayey dadku ugu baahnayeen inay helaan dokumentiyda muhiimka ah sida Baasaboorka, waxayna arrintan ku soo beegantay iyado uu dhaqangalay joojinta socdaalka dalka looga baxayo ama lagu soo gelayo.
CID-da ayaa sii wadi doonta shaqadii kale ee caadiga ahayd sida denbi baarista iyo la tacaalidda falalka denbiyada.