Waxaa lagu soo waramayaa in rasaas ay ka dhacday xarun ganacsi weyn oo ku taala magaalada Munich ee dalka Jarmalka,
gaar ahaan degmada lagu magacaabo Moosach.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan qof lagu dilay, isla markaana ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale toogasho ka dhacday xarun ganacsi oo magaaladaasi ku taala.
Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa goobta la geeyay, waxaana socda howlgal ciidan sida laga soo xigtay Booliska Jarmalka.
Ciidamada ayaa gebi ahaan go’doomiyay degaankaasi, waxaana la xiray wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa. Wararka qaar ayaa sheegaya in qof keli ah uu weerarka qaaday.
Diyaarado helikobtar ah ayaa lagu arkay degaankaasi, waxaana loo diiday dadka ku sugnaa halkaasi inay dibadda u baxaan.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada ammaanka Jarmalka ay heegan ku jireen, kadib markii nin soo galooti ah uu shan qof mindi ku weeraray tareen ay la socdeen degaanka Bavaria Isniintii dhoweyd.
UPDATE
Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay gaartay dhowr ruux iyadoo aan tirada la caddeyn, Booliska Jarmalka ayaa sheegaya inay la tacaalayaan dhowr qof oo hubeysan….
Dhacdo hadda taagan….