War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu weeraray wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabbaas C/llaahi Siraaji lagu dilay madaxtooyada Soomaaliya afkeeda hore markii gaari uu la socday ay rasaas ku fureen ciidamo kale.
Dilka ayaa la sheegay inay geysteen ilaalada hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, sida ay sheegtay wakaalada Wararka ee AP. Dableyda weerarka geystay ayaa la sheegay in ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Villa Somalia ay qabteen.
Wasiirka Warfaafinta Soomaailiya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in gaari uu saarnaa Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka ay xabad ku fureen ciidanka, haddana ay socoto baaris ku saabsan wixii dhacay.
Waxaa tacsi degdeg u diray wasiir Cabbaas Siraaji madax iyo mas’uuliyiin kala duwan oo muujiyay sida ay uga naxeen geerida wasiirka oo ahaa nin dhalinyaro ah oo ka yimid Xerooyinka Qaxootiga Kenya.
Wadani.com
AKHRISO WARAR LA XIRIIRA
SIDEE loo dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Sheekh Siraaji…?
SAWIRRO: Aaska Wasiirkii Howlaha Guud oo ka dhacay Muqdisho & Madax ka qeyb gashay