War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xilkii iska casishay.
Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ay u heystay dowladda iska casishay laga bilaabo maantana ay shaqada isaga tagtay.
Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.