Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu iska xaadiriyay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo muddo laba jeer ah oo hore ka baaqsaday, laakiin waxaa la waayay Taliyeyaasha ciidamada Nabadsugidda iyo Booliska oo iyagana laga sugayay Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa diiday in shirku furmo iyadoo aanay hor imaan Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska, kadibna muddo markii la sugayay taliyeyaashaasi oo ay soo xaadiri waayeen kulankaasi.
Xildhibaanada ayaa iska fasaxay Wasiirka Amniga iyagoo diiday inay shirka inuu sii socdo, waxaana Baarlamaanka isaga tegay Wasiirka Amniga.
Baarlamaanka ayaa shir gaara oo albaabada u xiran yihiin ka leh arrintan kadib markii muddo saddex jeer ah ay Baarlamaanka hor tegi waayeen taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo Maxamed Sheekh.
Shirka gaarka ah ee Baarlamaanka u socda ee xasaasiga ah ayaa lagu wadaa in go’aano culus kasoo baxaan.
Wadani.com