Wasiirkii Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xilkii wasiirnimo iska casilay.
Maxamuud Xasan Soocade ayaa is-casilaadiisa ku micneeyay arrimo isaga u gaara sida ay ka soo xigteen saxafiyiinta, wuxuu qoraalka is casilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas.
Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan wasiirada Puntland ayaa rajo ka qaba inay ka mid noqdaan mudanayaasha aqalada sare iyo hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in casilaadda Soocade ay arrintan la xiriirto.
Wadani.com