Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd la dilay weriye ka tirsan idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Jiiro-garoob ee goor dhoweyd lagu Dilay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle oo lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Cali Xaaji.
Dilka Weriyaha ayaa waxaa geystay Kooxo ku hubeysan Bistoolado oo markii ay toogteen weriyaha goobta ka baxsadya.
Falka lagu dilay weriye C/casiis ayaa noqonaya falal joogto noqday oo saxafiyiinta Muqdisho lagu ugaarsado, kuwaasoo intooda badan loo aaneeyo kooxda Alshabaab.
Agaasimaha Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay dilka weriyaha oo maanta aan shaqo lahayn, una aaday degaanka dilku ka dhacay qaraabo salaan.
Idaacadda Shabelle ayaa joojisay barnaamiyadii caadiga ahaa ee ay sii deyn jirtay, waxaana dilka weriyaha kadib ka socda aayado qur’aan ah.
Wadani.com