Guddiga Doorashada madaxweynaah Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
War hadda soo dhaca ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada ee isku dhafka ah uu shaaciyay xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo muddo badan dib u dhacday.
Guddiga oo shirkoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshay Guddoomiye ku xigeen iyo xogheyn (AKHRI WARKA) ayaa shaaciyay in 8-da Febraayo 2017 la qaban doono doorashada madaxweynaha dalka.
Doorashada ayaa lagu wadaa in si weyn loogu loolamo iyadoo tiradii ugu badneyd ay isu soo sharaxday xilka madaxweynaha ee ugu sareeya dalka.
Wadani.com